Qaabka Fahad Yaasiin rabo in uu "u afduubto" xulista baarlamaanka 2021

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaajir Daahir, ayaa Jimcadii wuxuu Hotel Jazeera ee Muqdisho kula kulmay taageereyaasha Villa Soomaaliya, sidda Garowe Online fahasan yahay.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa goobjoog ka ahaa qadadaas loo sameeyay jamaahiirta dowladda waqtiga kasii dhacayo ee caanka ku ah magaca "Xoogaga Wadaniyiinta".

Fahad iyo Khadar ayaa dhalinyaradda u sheegay "in la joogo waqtigii ay dalka xukumi lahaayeen, una diyaar-garoobaan dagaal dhinacyo badan oo ay kamid noqonayaan Labada Gole ee baarlamaanka 10aad ee waddanka".

Sidda qaar kamid ah ka qeybgaleyaasha u dusiyeen GO, Fahad ayaa madasha ka yiri "xoog iyo xeelad ayaan isugu geyn doonaa sidii aan dalkan uga badbaadin lahayn qof walba oo [waddanka] u soo shaqeeyay kahor 2017-kii".

Wariyihii hore ee telefishinka Qadar laga leeyahay ee Al Jazeera ayaa sidoo kale wuxuu dhalinyarada la wadaagay in ku talagalkooda coddeynta soo aadan uu yahay in ay soo saaraan madaxweyne iyo sharci-dejiyeyaal da'yar ah.

Si qorshahaas u dhaqan-galo, Fahad ayaa kulankaan wuxuu ka caddeeyay in ay qorsheynayaan in ay bedelaan qodobka dastuuriga ah ee xeerinaya in Xildhibaan ama Madaxweyne uusan noqon karin shaqsi ka hooseeya 40-jir.

"Waxaanu u bedelaynaa 25-jir. Hadii 25-jir Xildhibaano lagu noqon karo taasoo ah mas'uuliyad weyn, maxaa diidayo in 25-jir madaxweyne lagu noqon karo," ayuu ku difaacay doodiisa, sidda kusoo warameen goobjoogeyaasha.

Inkasta oo tiradooda aan wali la xaqiijin, taliyaha hay'adda NISA ayaa dhamaan dhalintii fadhigaas xaadirka ku ahayd u balanqaadey Xildhibaanimo.

"Dhamaantiin waxaa tihiin Xildhibaanadda 2021, Insha Allah; 183 Xildhibaan oo qaranka daacad u ah iyo madaxweyne Farmaajo codka siin doona," ayuu ku daray, isagoo muujinaya in uu rabo in uu soo laabto madaxweynaha.

Wallow ay calaamad su'aal dul hooganeyso qaabka uu ku dhaqan-gelinayo riyada madaxda muddo xileedkoodu gabaabsiga yahay, waxaa ka muuqaneysa in ay ku talogalkeen in aysan si nabad xilka uga degin taasoo fowdo keeneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM