Qaabka saxaafada caalamka u tabisay xukunka mas'uuliyiinta DF Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta caalamka ayaa si naadir ah waxay uga warantay xukunka ay Maxkamada Gobolka Banaadir ku riday afarta mas'uul ee ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukumaneyaasha oo lagu helay musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne ayaa kiiskooda wuxuu khuseeyay dhaqaale loogu talogalay Covid-19.

Bishii April ee sanadkan 2020 ayaa xabsi loo taxaabay, waxaana tan iyo xilligaas ay ku jireen xabsi, iyadoo kiiskooda ay maxkamadu ka doodey 14 jeer.

Inkasta oo xeer-beegtada aysan fahfaahin dambi ay sheegtay in ay ku heshay, haddana Wasaaradu waxay April warisay in ay calaamad su'aal dul-saaran tahay qaabka loo isticmaalay aduun dhan $42 iyo $45 kun oo doolar.

Lacagtaan ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka tahay kaalmada caalamiga ah ee loogu talogalay ka hortagga iyo xakameynta safmarka Coronavirus.

Maxkamadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa xorriyadooda waxay u celisay shan mas'uul kale oo ka tirsanaa isla Wasaaradda ka gedaal markii ay dambi ku weysay, hase ahaatee, ma xusin hadii shaqadooda ku laaban karaan.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya oo sheekadiisa ciwaan uga dhigay 'Soomaaliya oo u xirtay afar mas'uul dowladeed in ay xadeen maalgelin Covid-19' ayaa tabiyey in xukunka sare u qaadayo walwalka musuqa dalka.

Hay'adda caalamiga ah ee Transparency ayaa warbixinteeda 2019-kii waxay ku sheegtay in Soomaaliya yahay dalka ugu musuqa badan caalamka.

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu oo qormadeeda ciwaan uga dhigtay 'Soomaaliya oo afar mas'uul caafimaad u xukuntay musuqmaasuq' ayaa qirtey in xukumeyaasha ay is-dabamariyeen deeqda xakameynta Covid-19.

Mas'uuliyiinta dambiga lagu helay ayaa xukunkooda xabsiga u dhaxeeyaa 18 illaa 3, waxaana u wehliya ganaax lacageed iyo ka reebid xafiis dadweyne.

Kiiska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa maraya 3,269, iyaddoo dhimashadda lagu sheegay 93 arrintaas oo su'aal laga keenay, halka bogsashada ay tahay 2,396. Wasaaradda caafimaadka waxay ka digtay in dadweynaha is-dhigtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM