Qaadka Kenya oo laga joojiyay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsatada Qaadka magaaladda Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen Qaadkii ay ka keensan jireen dalka Kenya wixii maanta oo Talaado ah ka dambeeya.

Gudoomiyaha Gudi ay leeyihiin Ganacstada oo lagu magacaabo Qoobe Maxamuud Qayliye ayaa shaaciyay go'aanka joojinta Qaadkii uga imaan jiray Kenya, isagoo intaasi ku daray in hadda kadib ay soo dhoofsan doonan Qaadka Itoobiya.

"laga billaabo maanta, waxaan si rasmi ah u joojinay Qaadkii aan ka keeni jirnay Kenya, si aan u garab istaagno dowladeena una difacno qaranimada dalka iyo xuduudihiisa. Waxaan u weecinaynaa ganacsigeena Qaadka dalka Itoobiya," ayuu yiri Qoobe.

Kenya ayaa maalin walba usoo dhoofisa Soomaaliya 50 Tan oo Qaad ah, iyadoo ka hesha lacag gaaraysa hal milyan oo doolar, iyadoo dalka u yahay suuqa ugu weyn ee loo soo iib geeyo Miraa.

Go'aankan ayaa yimid maalmo kadib markii dowladda Kenya u yeeratay safiirkeedii Muqdisho u fadhiyay, islamarkaana Safiirka Soomaaliya kasoo saartey Nairobi, iyadoo ku doodeysa in dowladda Federaalka ku xad-gudubtay Kheyraadka Kenya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaarey meeshii ugu hooseysay, waxaana uu qarka u saaran yahay in joogsado, oo labad dal cilaaqaadka isu jaraan, hadii aan la helin gacan saddexaad oo dhex-dhexaadisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM