Qaar kamid ah dhaawacyadda qaraxii Afgooye oo dibadda loo qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiin ayaa Talaadada maanta ah xaqiijiyey in dibadda loo qaadey qaar kamid ah dhaawacyadda ismiidaamintii Al-Shabaab ee jidka Afgooye.

Weerarkaas ayaa sababay waxyeelo soo gaartay in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan lix u dhalatay waddanka Turkiga.

Shaqsiyaadka la beegsaday ayaa isugu jiray shaqaale Turki iyo Soomaali ah oo ku howlanaa dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dayactir xoogan uu ku socdo.

Qaraxaas ayaa hakad geliyey shaqadda dhismaha wadada, wallow maalin kadib dib loo bilaabay, sidda ay sheegtay shirkadda qandaraaska haysta ee Enez.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xusay in bukaanada la duuliyey ay badankooda yihiin kuwa xaaladooda dalka wax looga qaban waayey oo ay ku jiraan muwaadiniinta Turkida.

"Diyaarad gaar ah oo Turkiga soo diray ayaa lagu qaadey dhamaantooda, waxaana u rajeynaynaa soo kabasho degdeg ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii waxay damaanad-qaadey ammaanka howladeenada Turkida iyo Soomaalida ah ee dayactirka oo ay meelgelineyso Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM