Qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay hakisay qabashada codsiyadda baasaboorka Soomaaliya "illaa iyo wargelin dambe".

Sidda laga soo xigtey war qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda, talaabadan waxay salka ku haysaa "khatarta caabuqa COVID-19 oo sii kordheysa awgeed".

Qoraalka ayaa wuxuu intaas ku daray in amarkan uu dhaqan-galaayo "laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021".

Bayaanka kooban ee hay'adda ayaa wuxuu u qornaa sidda soo socota: "Wargelin Muhiim ah. Khatarta Caabuqa COVID-19 oo sii kordheysa awgeed, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxay muwaadiniinta meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe".

Go'aanka hay'adda socdaalka ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in ay mamnuucdey isu-imaatinka iyo banaanbaxyadda sababo ku aadan safmarka Covid19 awgiis.

Wasaaradda Tacliinta Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay u soo jeedisay in goobaha waxbarashadda loo xiro sababo ku aadan soo laba-kacleynta cudurka, balse waxay ka laabatay go'aankaas kadib diidmo ka timid goobaha waxbarashadda.

Dad badan ayaa aamisan in go'aanada dowladda federaalka ee ku saabsan Covid19 ay yihiin kuwa siyaasadeysan isla markaana dooneyso in ay ku carqaladeyso qabsoomida doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM