Qabsashada DF ee Gedo oo "dhalisay" in Al-Shabaab ay dakhi ka sameyneyso

Image

KISMAAYO, Jubaland – Natiijooyinka aan wanaagsaneyn ee laga dhexlayo la wareegida dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa waxaa kamid ah in Al-Shabaab ay bilowday in ay canshuurto dadka, sidda uu sheegay Axmed Madoobe.

Isagoo shalay ka hadlayey furitaanka kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka labaad ee Jubaland, madaxweynaha ayaa soo cusboonesiiyey doonitaanka maamulkiisa ee ah in ciidamadda laga saaro gobolkaas istaraatiijiga u ah la dirirka ururka.

Ciidamada taabacsan dowlada federaalka ee xooga ku haysta magaalooyinka gobolka waa qaar laga qaadey caasimada Muqdisho iyo kuwa la duufsadey.

Sidda laga soo xigtay Axmed Madoobe, iska-daa in ay la dagaalamaan kooxaha argagixisada, ciidanka waxay burbruin ku wadaan hay'addihii dowliga ee dhisnaa.

Gudoomiyihii Jubaland ugu magacownaa gobolka Gedo iyo madaxdii kale ee degmooyinka joogay waxaa soo musaafuriyey ciidamada taageersan dowlada Farmaajo oo dooneysa in ay boobto doorashada halkaas ka dhaceysa.

"Maanta gobolkii Gedo mid [gobolka Jubada Dhexe] Shabaab baa gacanta ku haya. Maamulkii gobolka Gedo kuligood Kismaayo ayay joogaan, gudoomiyihii gobolkaa fadhiya, waxaa ugu dambeeyay wasiiru dowlihii amniga oo gobolka ka shaqeynayey shaqo isagoo ku maqan kasoo tegay gudoomiyeeashii degmooyinkaa fadhiya sabab ay maanta uga soo maqan yihiin ma jirto maanta gobanatooraha gobolka Gedo wuxuu lamid yahay Yaasir Carataaf dowladii banaan jooga ahayd ayuu sidii Yaasir kolba meel istaagaa waayaa ciidankii loogu talogalay in uu Shabaab la dagaalamo oo howl-galo oo Shabaab la dagaalamo in ay Shabaab la dagaalamaan iska daayee system-kii dhisnaa ayay dib u burburinayaan," ayuu yiri, isagoo rajeeyay in dowlada garan doonto la gaarey xilligii bixitaanka.

Wuxuu ku daray: "Waaygii kacaankii Siyaad Barre 1969-kii markuu dhashay. Saraakiil baa waddanka la wareegtay. Gudoomiyeyaasha gobolada oo dhan iyo degmooyinka saraakiil bey ahaayeen. Ma waxaan kusoo noqonaya 69-kii?"

Xarunta gobolka Gedo oo ah Garbahaarey waa mid kamid ah degaan doorashada oo lagu soo xuli doono Xildhibaanada baarlamaanka 10aad, waxaana Jubaland ku adkeysatay in aysan halkaas doorasho ka dhaceyn illaa ciidanka laga saaro.

"Hadaan Garbahaarey tageyno [si loogu soo xulo Xildhibaanada baarlamaanka 10aad] waxaa asal ah in uu guddiga doorashada tago, maamulkii gobolka in uu tago, kii degmada in uu tago, wasaaradii arrimaha gudaha in ay tagto; intaasi marka ay dhacdo ayay doorasho meel ka dhici kareysaa. Waxaan rajeynayaa dowladda federaalka ah intaas inta ka horeysa in ay ciidamadeeda kala bixi doonto, maamulada gobolka ka jirana ay kusoo celin doonto haddey intaas dhici waydo ay adkaaneyso sidda loo sawirayo iyo sumada kuraasta loo yeelayo in aysan u socon doonin," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha Jubaland.

Sikastay ahaato, maadaama laga soo heshiiyey arrimihii siyaasada iyo si guud habraaca coddeynta 2020-21, gobolka Gedo ayaa u muuqanaya mid noqon doono ajendaha ugu culus ee laga doodi kana guntami doonto is-mari-waaga jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM