Qadar iyo Masar oo garab-istaag u muujiyay Dowlada Soomaaliya

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli uu jiro daan-daansi ka imaanaya dowladda Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal. 

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM