Qadar oo lala xiriiriyey maalgelinta qorshe laga digay oo Farmaajo waddo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qadar ayaa ku lug-yeelan karta ku shubasho doorasho oo Farmaajo ku kaco coddeynta soo aadan iyo in uu noqdo "Siyaarad-baraha cusub," sidda uu aaminsan yahay taliyihii hore ee NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], madaxii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa erayadaas ku yiri maqaal uu ku daabacay majaladda The National Interest ee reer Mareykanka.

Sanbaloolshe oo si adag u weeraray madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa tibaaxay in Qadar ay si toos ah ugu milantay siyaasadda Soomaaliya ayna adeegsato aduun lacageed.

Farmaajo oo uu tibaaxay in uu ka gaabiyey rajadii laga qabo markii la doortay Febraayo, 2017-kii ayuu ku nuux-nuux saday in dowladdiisu burburisay qaab dhismeedka ciidamadda, NISA, amniga iyo isla xisaatanka.

"Qadar waxay bixisay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo oo Farmaajo qaar kamid ah madaxda maamuladda sidda Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu kaga dhigay kuwa daacad u ah, balse si aan guuleysan uu isugu dayayo in uu wiiqo Puntland iyo Jubbaland," ayuu hadalkiisa raaciyey sarkaalka.

Fahad Yaasiin oo uu ku sifeeyay "ninka kala haga shaqooyinka muhiimsan ee dowladda" ayuu ku eedeeyay in uu NISA ka saarey shaqsiyaad kuna soo daray xirfadlayaal ka tirsan sirdoonka Qadar ee Geeska Afrika.

Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer uga digay in uu ku fekero muddo kororsi uu sameysto doorashadda 2020-21.

"Maadaama waqtigu ka dhamaanayo wuxuu yaqiinsaday in uu noqdo sun. Kuwa ay xulafada u ahaayeen oo uu kamid yahay ra'iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramaya in ay is-mac-salaameynayaan, halka mucaaradka uu abaabulayo siddii uu meesha uga saari lahaa," ayuu ku yiri nuqul kamida faalada.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la fahansan yahay in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka lagu galayo cod-bixinta 2020-21.

Siyaasiga oo rumeysan in dhaqaalaha dalka uu burburay mudadii ay shaqeyneyso dowladda federaalka ayaa dalka iyo dadka u rajeeyay nabad.

"[Farmaajo] nafla-caarinimada ayaa ku hogaamin karta in uu ku shubto doorashadda soo aadan ama in uu si dastuurka baalmarsan uu xukunka kusii dheereysto isagoo abuuraya xaalad deg-deg ah oo uu alifay," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo xusay in arrintaa aanan la aqbali doonin.

Sidoo kale, siyaasadda arrimaha dibada dowladda Farmaajo ayuu ku qeexay mid ay Soomaaliya ku weyday xulafo muhiim ah gaar ahaan dhanka Khaliijka, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Masar, wallow Imaaraadka ku jiro.

"Soomaalida ma ogolaan doonan [in kursiga lagu sii joogo] sifo sharci darro ah, balse waxaa hamiga Farmaajo suurtagelin kara saameynta iyo lacagta Qadar," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliyihii hore ee NISA.

Xukuumadda Dooxa oo maalgelisay ololihii doorashadda Farmaajo ee 2017-kii ayaa bil walba waxay aduun lacageed ku kabtaa Miisaaniyadda dowladda, iyaddoo ka fushaneysa danaheeda gaar ahaan arrimaha Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM