Qadar oo loo jeediyey eedeyn la xiriirta doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qadar ayaa si toos ah gacmaha kula jirta mar-xalada kala guurka iyo doorashooyinka Soomaaliya, sidda uu ka dhawaajiyey siyaasi mucaarad ah, oo ugu baaqay in ay la laabato ololahaas.

Eedeyntaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Xasan Bin Xamza, oo ah danjiraha Qadar u jooga magaalada Muqdisho, uu la kulmay afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

"Waxaa maanta [Talaadadii] xafiiskeyga ku qaabilay Xasan Bin Xamsa, safiirka dowlada Qatar u fadhiya Soomaliya, waxan ka wada hadalnay arimo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka," ayuu Mursal soo qoray.

Illaa iyo haatan, ma jiro wax tafaasiil ah oo ku saabsan shirkaas albaabada u xirnaa oo kasoo baxay dhanka safaaradda waddanka Qadar.

Hase ahaatee, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa rumeysan in is-araggaas uu qayb ka ahaa dedaalada lagu maleegayo waqti ku darsi ay madaxda dooneyso.

"Qatar dhib intii ku filan Soomaaliya way u geysatay. Waxaan ugu baaqaynaa in ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso madaxda muddo xileedkoodii idlaaday," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa inta damaca kaga jiro muddo kororsi in ay ka waantoobaan, kalsooni is geliyaan, shacabkoodana aaminaan".

Xukuumadda Dooxa ayaa maalgelisay ololihii doorashadda madaxweyne Farmaajo ee Febraayo 2017-kii, waxaana isku dabariday qorshahaas Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha waqti xaadirkaan ee hay'ada sirdoonka Qaranka.

GAROWE ONNLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM