Qaraabo-nimada sumcad-xumada usoo jiiday calanka Soomaaliya

Image
Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in ay ogaadeen in musuq iyo hab aan saxnayn lagu soo xulay Nasro Abukar oo Somalia ku matashay tartan ciyaaraha oo dalka Shiinaha ka dhacay.

Khadiijo Aadan Daahir gudoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee shaqada laga joojiyay ayuu sheegay wasiirku in ay qaraabo la tahay Nasro Abukar.

Gabadhaan ayaa la xaqiijiyay in ay Habaryar u tahay Khadiijo Aadan Daahir isla markaana ay dhashay walaasheed Deeqo Aadan Aadan.

Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka taasi oo ay siyaabo kala duwan u tabiyeen warbaahinta caalamku.Wasiirka Dhalinyarada oo xaqiijiyay Qaraabo-nimada Nasra Abukar iyo Gud xiriirka ciyaaraha fudud.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in ay ogaadeen in musuq iyo hab aan saxnayn lagu soo xulay Nasro Abukar oo Somalia ku matashay tartan ciyaaraha oo dalka Shiinaha ka dhacay.

Khadiijo Aadan Daahir gudoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee shaqada laga joojiyay ayuu sheegay wasiirku in ay qaraabo la tahay Nasro Abukar.

Gabadhaan ayaa la xaqiijiyay in ay Habaryar u tahay Khadiijo Aadan Daahir isla markaana ay dhashay walaasheed Deeqo Aadan Aadan.

Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka taasi oo ay siyaabo kala duwan u tabiyeen warbaahinta caalamku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM