Qaraar ciidanka Mareykanka ka saaraya Soomaaliya oo la gudbinayo

Image
Xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa gadaal ka riixaya hindisahan.

NEW YORK, USA - Xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa soo bandhigaya qaraar xeerinaya in ciidamada qalabka sida ee Mareykanka laga saaro Soomaaliya marka laga reebo ilaaladda gaar ah ee safaaradda.

"Shacabka Maraykanku aad ayay u hoosaysaa kalsoonida ay ku qabaan hoggaamiyeyaasheena milateriga iyo awoodda ay u leeyihiin in ay qiimeeyaan waxtarkooda," ayuu yiri Matt, sidda ay kasoo xigatay Fox.

Wuxuu raaciyey: "Sidee ayay u filayaan dadka Ameerikaanka ah u aamini karaan in qabsashadda Mareykanka ee Soomaaliya iyo tababarada uu bixinayo aysan keeni doonin rabshado iyo afgembi".

“Iyadoo Mashiinka Dagaalka Kongareeska uu go'aamiyey duulaanka Suuriya, waa in [saraakiisha] ay sharaxaan sida sii socoshada qabsashada Soomaaliya ay ugu wanagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha ku sugan, haddii aysan awoodin, waxaa waajib ku ah Congress-ka inay ciidamadeenna dib uga soo celiyaan Soomaaliya ayna keenan dalkooda," ayuu ku doodey.

Qaraarka uu gudbiyey Xildhibaan Matt Gaetz ayaa si uu meelmar u noqdo waxa uu u baahan yahay codka kalsoonida Golaha Wakiilada 18 maalmood gudahooda marka qaraarku soo baxo.

Haddii la meelmariyo qaraarkan, taliska ciidamadda Ameerika ayuu ku qasbi doonaa in askarta qalabka sida ee Mareykanka laga saaro Soomaaliya ugu dambeyn 365 maalmood ka dib marka la ansixiyo qaraarka.

Sharci-dejiye Gaetz ayaa horey waxa uu ugu guuldareystay qaraar uu ka gudbiyey ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Suuriya. Labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga waxay difaaceen joogitaanka askarta Ameerika ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM