Qaraar ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya oo fashilmay

Image
Mudaneyaasha Senate-ka ayaa 102-321 ugu kala codeeyay in ay diidaan qaraarkan.

WASHINGTON, United States - Xildhibaanada Aqalka Sare Mareykanka ayaa Khamiistii ka codeeyay qaraar ku qasbaya Madaxweyne Biden in uu dhammaan ciidamada Mareykanka ka soo saaro Soomaaliya.

Mudaneyaasha Senate-ka ayaa 102-321 ugu kala codeeyay in ay diidaan qaraarka is garab socday ee uu soo jeediyey mudanaha ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Matt Gaetz.

Gaetz waxa uu ku dooday in dhawrka boqol ee askari ee jooga Soomaaliya aanay muhiim u ahayn ilaalinta Maraykanka, Maraykankuna aanu “ka guuleysan fikradda” kooxaha shisheeye.

"Waxaan ka baqayaa Shiinaha. Waxaan ka baqayaa jeneraal Ruush ah oo waalan oo haysta KEYDKA Nukliyeerka in ka badan inta aan ka baqo qabqablayaasha Soomaalida," ayuu tibaaxay.

Sharci-dejiyaha ayaa ku daray: "Waxaan qiyaasayaa inay fududahay in la istaago oo la yiraahdo waa inaan noqonaa bilays meel kasta sababtoo ah meel kasta oo qof xun ayaa rabi kara inuu na dilo".

Xildhibaan Gaetz ayaa ku qasbay aqalka in uu u codeeyo qaraarkii bishii hore ciidamada Mareykanka looga saarayay Suuriya, balse codkaas ayaa sidoo kale fashilmay.

Ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii u jooga Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab ee uu baacsanayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM