Qaramada Midoobay oo ergay cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Image
Catriona Laing oo ah qof aan ku cusbneyn Muqdisho ayaa waxay u dhalatay boqortooyadda UK.

NEW YORK, United States - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Catriona Laing usoo magacaabay Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya, sidda ku cad qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Laing, oo u dhalatay Britain isla markaana noqon doonta iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), ayaa waxaa la filayaa in ay xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.

Bayaanka xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing ay leedahay in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey rajo ku aadan in waay-aragnimadaas ay wax badan kusoo kordhin doonto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey nuqul kamid ah qoraalka xafiiska Guterres, Catriona ayaa sidoo kale waxay siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah.

Catriona Laing oo ah qof aan ku cusbneyn ka shaqeynta dalkan dhaca Geeska Afrika ayaa hore u soo noqoday madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994.

Kahor inta aan loosoo magacaabin xilka, Laing ayaa waxay aheyd safiirka boqortooyadda UK u fadhisay dalka Nigeria mudadii u dhexeysay bishii Noofambar sanadii 2018 ilaa bishii Abriil ee sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM