Qaramada Midoobay oo fahfaahin ka bixisay kulankii Shariif iyo Swan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay war kasoo saartay kulankii dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo James Swan.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ayaa waxay kulmeen maanta oo Khamiis ah.

Kulankooda oo ku qabsoomay xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno kale oo ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UN-ka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobadda ay isla gorfeeyeen dhinacyadda.

"Isagoo sii wada kulamada looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee uu la yeelanayo saamileyda siyaasadeed, James Swan ayaa maanta la kulmay Sheekh Shariif," ayaa lagu yiri qoraalka.

UNSOM ayaa sheegtay in qodobada ay kawada hadleen Shariif iyo Swan ay kamid ahaayeen qabsoomida doorasho 'qof iyo cod' ah iyo muhiimada wadaxaajood dhab ah oo ay yeeshaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Qaramada Midoobay oo door ku leh geedi u socodka dowladnimadda Soomaaliya sanadihii u dambeeyay ayaa horey u taageertay in doorashadda soo aadan ay noqoto nidaamka Horeeyaa guuleysta, wallow aan laysku raacin.

Nidaamkan ayaa waxaa soo jeediyey Guddiga baarlamaanka ee ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka markii la diidey nidaamka metelaad isla-eg oo ay soo jeediyeen Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xisbiyadda mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka ayaa waxay ka digeen muddo kororsi loo sameeyo madaxda dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM