Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada xubnaha Al-Shabaab

Image
Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay in uu koray dakhliga sanadlaha ee kooxda hubeysan.

WASHINGTON, USA - Tiradda maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa weli taagan, waxaana lagu qiyaasaa 7,000-12,000 oo dagaalyahan, sidda ay sheegtay warbixinta argagixisada Qaramada Midoobay.

Laakiin, warbixintu waxay xustay, in dakhliga sannadlaha ah ee kooxda uu korayo - $100 milyan ilaa $150 milyan - iyada oo intaa ku dartay "25% ay ku baxdaa iibsashada agabka milatariga".

Intaas waxaa wehlisa, garabka shabakadda al-Qacida ee Soomaaliya ayaa "waxaa soo gaaray khasaarooyin ka dhashay olole militari ee ka bilowday dalka oo dhan," ayay warbixintu sheegtay.

Hase ahaatee, warbixinta oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa ayaa hoosta ka xariiqdey in Al-Shabaab ay gulufkan kaga jawaabeen qaar ka mid ah weeraradii ugu balaarnaa iyo uguna geerida badnaa.

"Al-Shabaab waxay dileen in ka badan 500 oo qof oo rayid ah, saraakiil dowladeed, askar, saraakiil sharci-fulin iyo nabad-ilaaliye caalami ah 6-dii bilood ee lasoo dhaafay," ayay raacisay.

Warbixinta ayaa qirtey in kooxda ay sii wado isku-fidinta iyo qabsashadda dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladaha dariska ah si gaar ah Itoobiya oo ay bilowgii dhamaadka sanadkii hore weeraro ka geysteen.

Al-Shabaab ayaa horey joogitaan aan saameyn badan lahayn ku lahayd Kenya halkaasoo ay ka geystaan weeraro teel-teel ah oo ka dhashay waxyeelo soo gaarey dadwayne iyo saraakiil ciidamo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM