Qaramada Midoobay oo taageertay shirka madaxda maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku leedahay magaaladda Muqdisho ayaa soo dhaweeyay kulanka la qorsheeyay in ay Dhuusamareeb ku yeeshaan madaxda maamuladda dalka.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu sheegay in shir-madaxeedkaas uu muhiim u yahay wadahadalada la filayo in ay yeeshaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubinta ka ah.

Wadaxaajoodyadda maamulada iyo dowladda federaalka ayaa looga doodayaa ajendeyaasha hor-tabinta u leh qaranka oo ay kamid yihiin doorashooyinka, ammaanka iyo dib u eegista dastuurka qabyadda ah.

Bayaanka kooban ayaa lagu sheegay in ergayga UN-ka, James Swan, uu ku faraxsan yahay in kulamadii u dambeeyay ee xisbiyadda iyo ururada bulshadda qabsadeen asbuucaan lagu gorfeeyay doorashadda.

"Wadatashiyo loo dhan yahay waxaa muhiim ka ah inta uusan baarlamaanka ka doodin soo jeedintii guddiga doorashooyinka iyo go'aanadda sidda loo dhaqan-gelinayo sharciga doorashadda," ayaa lagu soo xiray.

Shirka ay maamulada ku yeelanayaan Dhuusamareeb 9-ka bishaan Julaayo oo ku beegan Khamiista soo aadan ayaa ka dambeeyay markii uu qabsoomi waayey shirkii uu Farmaajo u muddeeyay in uu Muqdisho ka dhaco.

Baaqashadaas ayaa ka dambeysay ka gedaal markii madaxtooyadda ku fashilantay in ay fuliso is-afgaradyaddii dowlad goboleedyadda la gashay ee ku aadanaa in la hakiyo xeerarka lagu muran-san yahay ee doorashooyinka.

Kulanka Dhuusamareeb oo isha lagu waddayo hayo waxaa laga yaabaa in uu qeybaha dambe kaga biiro ra'iisul wasaare Khayre xilli afhayeenka Aqalka Hoose oo la casuumay, balse aan la martiqaadin gudoonka Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM