Qarax aan horey loo arag oo ka dhacay Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ka duwan kuwoo horey uga dhici jiray Muqdisho, ayaa saaka ka dhacay suuq ku yaalla Xaafadda Siinaay, qeybta Degmada Wardhiigley kaasoo uu ku dhaawacmay ugu yaraan hal ruux.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday Gaari-gacan, kaasi oo la dhigay Suuqa xilli uu ka jiray mashquul badan oo dadka degaanka ku guda jireen jadwal maalmeedkooda.

"Walxaha qarxa ayaa lagu soo hoos-qiriyay Gaari-gacanka, oo la dhigay Suuqa Siinaay, kaasoo qarxay kadib markii uu ka tagey ninkii watey ee meesha soo dhigay, waxaana ku dhaawacmen hal ruux oo shacab ah," ayuu yiri Xasan Barre, oo ah goobjooge.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, ayaa goobta xiray, iyadoo aad loola yaaban yahay qaraxa dhacay, oo ah mid ku cusub indhah aiyo dhegaha shacabka Muqdisho, maadaama Gaari-gacan loo adeegsaday.

Hay'adaha amniga ayaa sameeyay baaritaan, balse lama soo sheegin cid loo soo qabtey qaraxa, balse waxaa falkan loo maleynayaa inay ka dambeyso Al-Shabaab.

Amniga Muqdisho ayaa ah mid jilicsan, oo aan la isku halleyn karin, iyadoo ay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku fashilantay qorshooyinka lagu sugayo amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM