Qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa maanta AMISOM lagula eegtay waqooyiga magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Goob-jooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Miino dhulka lagu aaso, taasi oo haleeshay Kolonyo AMISOM, oo marayay Xaafadda Suuqa Xoolaha, ee degmada Heliwaa. 

Mid kamid ah Gaadiidka Kolonyada ayaa ku burburay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey Askartii saarnayd.

Ciidamada ayaa xiray goobta, kadib qaraxa iyagoo sameeyay howlgal ballaaran, oo aan cidna lagu soo qaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM