Qaraxyo culus iyo rasaas laga maqlay agagaarka Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo culus oo daba socotay rasaas xooggan ayaa caawa maqriibkii laga maqlay nawaaxiga xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogiyaal la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay bar-koonatrool oo ciidamada NISA ku leeyihiin meel ku dhaw Taallada Dhagax-Tuur, kadibna dagaalyahano hubaysan ay u gudbeen dhanka Villa Soomaaliya.

Qaraxa kowaad ayaa burburiyay Barta-koonatrool ee lagu magacaabo Bashir Gate, oo ka timaada dhanka Wadada Zayidka, islamarkaana laga galo Villa Soomaaliya. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Qarax kale ayaa ka dhacay meel ku dhaw dhisamaha xarunta Baarlamaanka.

Dagaal xooggan ayay xoogaga hubaysan ku qabsaday Koonatroolka labaad, ee laga ilaaliyo Madaxtooyadda, waxaana wararku ay sheegayaan in iska caabin ay la kulmeen, inkastoo wali rasaasta ay socoto.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya bartilmaameedka weerarka iyo khasaaraha oo sababay, iyadoo aan jirin wali wax fahfaahin ay oo Saraakiisha amniga ka bixiyeen xaaladda sida ay tahay.

Khasaaraha hordhaca ah ee Garowe Online uu helay ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhinteen weerarka.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow uu sheegay in Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku jiro magaalada Muqdisho.

Fahfaahin kala soco Wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM