Qaraxyo culus iyo rasaas laga maqlay agagaarka Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo culus oo daba socotay rasaas xooggan ayaa caawa maqriibkii laga maqlay nawaaxiga xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogiyaal la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay bar-koonatrool oo ciidamada NISA ku leeyihiin meel ku dhaw Taallada Dhagax-Tuur, kadibna dagaalyahano hubaysan ay u gudbeen dhanka Villa Soomaaliya.

Qaraxa kowaad ayaa burburiyay Barta-koonatrool ee lagu magacaabo Bashir Gate, oo ka timaada dhanka Wadada Zayidka, islamarkaana laga galo Villa Soomaaliya. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Qarax kale ayaa ka dhacay meel ku dhaw dhisamaha xarunta Baarlamaanka.

Dagaal xooggan ayay xoogaga hubaysan ku qabsaday Koonatroolka labaad, ee laga ilaaliyo Madaxtooyadda, waxaana wararku ay sheegayaan in iska caabin ay la kulmeen, inkastoo wali rasaasta ay socoto.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya bartilmaameedka weerarka iyo khasaaraha oo sababay, iyadoo aan jirin wali wax fahfaahin ay oo Saraakiisha amniga ka bixiyeen xaaladda sida ay tahay.

Khasaaraha hordhaca ah ee Garowe Online uu helay ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhinteen weerarka.

Weerarka ayaa dhacay maalin kadib markii Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow uu sheegay in Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku jiro magaalada Muqdisho.

Fahfaahin kala soco Wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM