Qarax culus oo ka dhacay afaafka Villa Somalia iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoog leh ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya kaasoo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge ayaa u sheegay in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay bar-koonatrool oo laga ilaaliyo Aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia, kuna yaalla afaafka hore ee Tiyaatartka Qaranka.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimadda, iyadoo gaadiidka gurmadka deg dega ay gaareen halka uu weerarka ka dhacay, iyaadoo wadada mashquulka badan ay ciidamada xireen.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, balse waxay saraakiisha amniga ay sheegeen inay jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada la xaqiijin.

Qaraxa ayaa bur-bur baaxad leh gaarsiiyay Tiyaatarka, oo hadda ku socotay dib u dhis ay dowladda ku sameynaysay.

Fahfaahin, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM