Qarax culus oo ka dhacay degmada Buulo Burde [Fahfaahin]

Image

BUULA BURDE, Soomaaliya - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan, oo ka dhacay duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Gudoomiyaha degmada Buulo Burde, Cabdi Daahir Guure, oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha, oo qiyaastii 5-KM u jira magaalada.

Wuxuu tilmaamay gudoomiyaha in Ciidamo gaar ah oo u tababaran qaraxyada ay meesha kasoo saareen miinooyin kale oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo diyaaradaha kusoo daga Garoonka, ee saanada milateri u sida Ciidamada Jabuuti.

Cabdi Daahir ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dhowr qof oo dhaawac ah la dhigau Isbitaalka degmada.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso qaraxa, oo qeyb ka ah falal ay khal-khal gelinayso amniga magaalooyinka ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa laga saarey dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan sanado kahor, balse waxay maamushaa Tuulooyinka isku xira, waxaana ay go'doomin kusoo rogtay meelaha ay joogaan Ciidamada DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM