Qarax culus oo ka dhacay gobolka Baay iyo wararkii u dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax culus oo maanta oo Axad ah ka dhacay gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya, kaasoo uu ku dhaawacmay mas'uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu Aasay ayaa lala beegsaday Kolanyo galbinaysay mas'uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasoo ka baxay saakay magaaladda Baydhabo, kuna sii jeeday deegaanka Awdiinle.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ku dhaawacmay Gudoomiyaha degaanka Awdiinle, kaasi oo lagu magacaabo Cali Bakow.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan qaar kamid ah Ilaaladda Gudoomiye Cali Bakow uu khasaaro u badan dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa miino, kaasi oo mas'uuliyadiisu ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

"Gudoomiyaha Awdiinle iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo saakay lala eegtay xilli ay kasoo baxeen magaalada Baydhabo," Goobjooge ayaa sidaasi u sheegay GO.

Saraakiisha amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Gudoomiyaha iyo Askarta dhaawaca ah la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Baydhabo oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Kooxda Al-Shabaab oo awood ciidan ku leh gobolka ayaa inta badan falalkan noocaan ah ku beegsata mas'uuliyiinta mamulka Koonfur Galbeed marka ay ku safrayaan wadooyinka gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM