Qarax culus oo ka dhacay Kenya iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MANDHEERA - Qaraxa oo ka dhacay tuuladda Yadoo u dhaxeysa Dhamase iyo Ceelwaaq oo dhamantooda ka tirsan gobolka Mandhere ee Woqoyi Barri dalka Kenya ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay oo la kacday Gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkaana laga maqlay guud ahaan degaanada ku dhow halka uu Qaraxu ka dhacay oo ah meel Baadiyo ah.

Al-Shabaab oo dusha saaratay masuuliyadda weerarkaan waxay sheegatay in ciidamada ay beegsadeen ay ahaayeen Booliska Kenya, islamarkaana la socdeen Kolanyo baabuur ah, islamarkaana Miinada ay la haleeshay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaas ku daraya in burbur xoogan uu soo gaarey Gaariga, islamarkaana ay ku dileen dhamaan Askartii la socotay Gaariga oo ay ky sheegtay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida inuu ahaa kuwa Booliska dalka Kenya.

Dowladda Kenya dhinacooda illaa iyo haatan jawaab kama aysan soo bixin warka kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan Qarax ka dhacay inta udhaxeysa Dhamase iyo Ceelwaaq ay ku dileen tirro kamid ah Askarta dowlada Kenya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Qarax Miino oo lagu eegtay Kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya meel ku dhow Keymaha Boni lagu dilay Lix kamid ah Askarta dalkaas, islamarkaana dhaawaca uu kor udhaafayo Tobbaneeyo.

In ka badan 100 kamid ah askarta dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu dilay weerarada ay xoogaga Al-Shabaab ka fuliso goboladda Woqooyi Bari saddexdii sano ee lasoo dhaafay, taasoo sababtay in shacabka dalkaas ay socdaan in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM