Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino laga helayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa oo aan si dhab ah loo ogayn noociisa, ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fagayn Isgoyska Banaadir ee degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca Qaraxa uu ahaa, kuwa ayaa sheegaya inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay, halka kuwa kelana ay tibaaxayaan inuu ahaa mid Gaari lagu soo xiray.

Balse, Jugta qaraxa waa laga wada maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, iyadoo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay kusoo waramayaan Goobjoogiyaal kala duwan oo Garowe Online la hadlay.

Inta illaa iyo haatan la ogyahay, qaraxa waxaa ku dhintay Labo qof , kuwaasoo wadada marayay, halka dhaawaca uu gaarayo illaa iyo Saddex qof kale, kuwaasoo dhamaantooda ah dad rayid ah.

"Qarax wuu cuslaa wuxuuna ka dhacay nawaaxiga Shineemo Nasri oo ku dhow Isgoyska Banaadir. Aniga waxaa arkay Labo qof oo meyd ah, iyo saddex Shacab oo Isbitaal loo wado," Goobjooge ayaa sidaasi u sheegay Garowe Online.

Saraakiisha amaanka, gaara ahaan Gudoomiyaha degmadda Hodan, iyo taliyaha Booliska ayaa goobta soo gaaarey, iyagoo qiimayeeyay xaalada meesha ay wax ka dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa, kaasoo kusoo beegmaya iyadoo maanta, gaara ahaan Abaara Duhurnimadii uu Qarax baabuur oo ka dhacay Isgoyska Siinay, ee Muqdisho kaasoo ay ku dhaawacmeen Saddex qof.

Maalmihii u dambeeyay Muqdisho, waa ay ka nasatay Qaraxyadda, inkastoo ay ka dhacayeen dilal qorsheysan, kuwaasoo lagu beegsanayo, Askarta dowladda, Odayaasha dhaqanka, iyo xubnaha kale ee shaqaalaha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM