Fahfaahinta qaraxii lagu weeraray xarunta degmada Warta Nabada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo lagu weeraray xarunta degmada Warta Nabadda ee magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Sidda uu xaqiijiyey Booliska, weerarka oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay iridka laga galo dhismaha xarunta.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xarunta ay ka socoto qaybinta raashiin qalalan loogu talo galay in lagu Afuriyo dadka dabaaleysan.

Goobjoogeyaal ayaa kusoo waramaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimaso iyo dhaawac, wallow illaa iyo haatan aanan lagu sameynin waxyeelada tirakoob sax ah.

Ma jirto koox illaa iyo hadda dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaasi, wallow ficilada noocaan ah looga bartay maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan ka dhaca magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Si lamid ah, waxa uu kusoo aadayaa weerarkaan xili Muqdisho ay ku jirto xaalad degdeg ah oo loo geliyay markii ay bateen falalka khal-khalka gelinaya nabad-gelyadda.

Laamaha amaanka oo horey uga digay in ay magaaladda ku jiraan gaadiid miineysan ayaa si joogto ah u sameynayay howlgalo balaaran oo lagu xasilinayo magaalada caasimada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM