Qarax dhimasho badan dhaliyey oo ka dhacay gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan shan ruux ayaa ku naf-waysay – saddex ilaalo iyo laba shacab ah – ka gedaal qarax ka dhashay Miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay Diinsoor ee gobolka Baay.

Laba kale oo ilaalo ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen falkan, kaasi oo laga soo wariyey goob mashquul badan oo magaaladda ka tirsan.

Gudoomiyaha degmada ayay saxaafadu warineysaa in uu ahaa bartilmaameedka weerarka, kaasi oo meesha musiibaddu ka dhacday ka akdhowaa.

Saraakiisha ammaanka maxaliga ah oo ka falceliyey mashaqadan ayaa ku eedeeyay maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka go’doonka ay gelisay kooxdaasi ayaa 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho, caasimada dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyada oo ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool magaala madaxdiisa ee Xudur.

Khayre oo halkaasi ka dhagax dhigay mashaariicyo horumarineed oo isugu jira dhismaha waddo xariggana ka jiray Isbitaal cusub ayaa balanqaadey in la xorreyn doono degaanada ay haysato AlShabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM