Qarax Gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Goobjooge oo la hadlay Warsidaha Garowe Online in qarax uu ahaa mid culus oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray kaasi oo ka dhacay Bar-koontarool oo Ciidamada ku baaraan baabuurta aadan dhanka Villa Soomaaliya.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho, iyadoo cirka isku shareeray Qiiq iyo Uuro madow, waxaana Ciidamaa ay rideen rasaas xooggan oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Goobta qaraxa waxaa gaarey Gaadiidka gurmadka deg dega, iyadoo ay jidka xireen Ciidamada dowladda ilaalada ka ah Madaxtooyadda, si looga hortago weerar kale. Gooba uu qaraxa ka dhacay waxaa ka dhaw dhisamaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo noqonaya midkii saddexaad oo Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka dhacay, iyadoo lagu soo beegayo weeraradan xilli ay Xukuumadda Khayre ay ku mashquulsan tahay Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Maalintii Khamiistiii lasoo dhaafay qarax gaari ayaa ka dhacay afaafka Hotel Wehliye, oo aan ka fogeyn goobta maanta uu gaariga ku qarxay kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo dhamaan shacab ahaa. Halkan ka akhri.

Fahfaahinta Warkan kala soco wararkeena dambe goodhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM