Qarax gaari oo khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho, galabnimada Arbacadda maanta ah.

Qaraxa ayaa laga soo wariyay afaafka hore ee makhaayad ku taala nawaaxiga saldhiga Booliska degmada Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab u badan ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, xili tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Booliska.

Gaadiidka gurmadka degdega ah oo goobta soo gaarey daqiiqado kadib markii uu weerarku dhacay ayaa daabulay dhaawaca.

"Qarax uu sababay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ku qarxay iridka makhaayada oo ku taala wadada Maka Al Mukarama," ayuu yiri Daahir Axmed, oo bileyska ka tirsan.

Wali ma cadda halka uu ahaa bartilmaameedka, hasayeeshee, saraakiisha amaanka ayaa rumeysan in uu ahaa makhaayada Barwaaqo.

"Lama ogga hadii gaariga uu qof saarnaa ... waxayse u badan tahay in goobta lagu baakimay," ayuu Salaad Axmed, oo kamid ah dadka ku ganacsatada aagaasi.

Ma jirto koox illaa iyo hadda dusha saaratay qaraxaasi, oo noqonaya midkii labaad ee maanta oo kaliya ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya.

Cabdi Dheere, taliyaha sirdoonka Galmudug, ayaa ka badbaaday qaraxii koowaad, oo ka dhashay gaari uu lahaa oo qarxa loogu soo xiray.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda shilkaasi oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska Shaqaalaha ee wada Maka Al Mukarama.

Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya xili ay ka socdaan howlgalo uuna Booliska soo saarey digniin la xiriirta gaadiid miineysa oo ku jira magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM