Is-miidaamin ay haweenay fulisay oo lagu dilay taliye ka tirsanaa NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof oo ah sarkaal ka tirsanaa Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ku naf-waayey qarax is-miidaamin oo barqanimadii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in weerarka oo ay fulisay haweenay nafteed-haligto ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea gaar ahaan sarta Daalo ee degmadda Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Cabdinaasir Maxamuud, oo kamid ah goobjoogeyaal la hadlay GO, ayaa tibaaxay in haweenayda ay si gaar ah u beegsatay sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Caano-geel kamid ahaa xubnaha dhar-cadka ee NISA.

"Aniga waxaan indhaheyga ku arkay jirka go' go'ay ee haweenayda. Laakiin ma aanan aqoonsan wejigeeda," ayuu yiri Cabdinaasir. "Waxaan durba meesha yimid ciidamadda kuwaasoo saacado hakad geliyey socodka".

Saraakiil u waramay GO ayaa tibaaxay in Caano-geel uu qeyb ka ahaa howlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, lagu soo qabtay laguna dilay horjoogeyaal badan oo kamid ah xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada falkaas ayaa waxay tibaaxeen in ay ku dileen Caano-geel oo ay ku qeexeen "taliye sarre" iyo laba askari kale oo ilaalo u ahaa sarkaalkas.

Warar aan si rasmi ah la xaqiijin ayaa sheegay in Caano-geel uu kamid ahaa xubnaha kasoo goostay dagaalameyaasha xagjirka ah ee Al-Shabaab lana shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya.

Bishii hore ee September 2-deeda ayay ahayd markii qarax is-miidaamin oo ka dhacay baar ku dhow kontarool laga ilaaliyo amniga Villa Soomaaliya, waxaana fuliyey ruux naftii-halige ahaa. Saddex shacab ayaa ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM