Qarax is-miidaamin oo lagu weeraray maqaaxi ku dhow garoonka Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax is-miidaamin oo uu geystay naftii-halige isku soo rakibay walxo qarxa ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Ma cadda bartilmaameedka weerarkan, balse waxay fahfaahinada qaar xusayaan in lala eegtay sarkaal ka tirsan hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA.

Qof ka badbaadey weerarka oo khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online ayaa sheegay in naftii-haligaha uu isku qarxiyey banaanka mehradda, halkaasoo khasaaro ka dhashay.

Sidda laga soo xigtey saraakiisha caafimaadka, lix qof ayaa illaa haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weysay dhacdadaas, halka tirro intaas ka badan loola cararay isbitaaladda.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaan wali la hadlin qaraxa lagu ekeeyay Maqaayada Gelato Divino taasoo lagu iibiyo mac-macaanka si gaar ah waxay caan ku tahay Ice Cream-ka.

Is-miidaaminta ayaa timid saacado kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu murashaxiinta madaxtinimada hawada u mariyey fariin hanjabaad dil ah.

Cumar Filish oo soo daliishay Aayad Qur'aan isla markaana si dadban murashaxiinta ugu qeexay "munaafaqiin" ayaa tibaaxay in la layn doono hadii ay isku dayaan in ay xasilooni darro ka abuuraan caasimada.

Murashaxiinta oo dhawaqiisa ku qeexay "fariin kaga timid madaxweyne Farmaajo" ayaa cambaareeyay hadalkaas, waxayna la xiriiriyeen xeelada ay Al-Shabaab ku xalaaleysato dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaadka yahay ayay ku tartarsiiyeen in ay waddanka u qabato doorasho heshiis lagu yahay isla markaana ay ka fogaato hadalada naceybka abuuraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM