Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saaka oo Isniin ah ka dhacay xarunta maamulka degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid culus, oo jugtiida laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa waxaa fuliyay nin naftii-huure ahaa kaasoo gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ku weeraray xarunta xilli mashquul badan uu ka jiray.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa weerarka ku geeriyootay 4 qof oo shacab ay kamid yihiin, iyadoo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay isbitaaladda, sida ay saraakiisha Boolisku sheegeen.

Burbur xoog leh ayaa dhisamaha xarunta maamulka degmada iyo kuwa ka agdhawaa kasoo gaarey qaraxa gaari, waxaana sawirro laga soo qaadey muujinayaan khasaaro hantiyadeed, oo dhismiyaal burburay u badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka saaka oo noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda lagu weeraro xarun degmo oo ku taalla Muqdisho.

Labadii bishan, qarax gaari ayaa ka dhacay xarunta maamulka degmada Howlwadaag, waxaana ku dhintey ku dhawaad 10 qof, iyadoo burbur xoog leh gaariisay xarunta iyo masjid ku ag-yaalla.

Weerarka maanta ayaa dhacay xilli saacadaha soo aadan lagu wado in Mdaxweyne Farmaajo ka furo xarunta Iskuul Buluziyo kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, oo kasoo laabtey fasax.

GAROW ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM