Muwaadin Turki ah oo ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka dhacay degaanka Caawa Cabdi oo ku yaala bartamaha wadada isku xirta magaalooyinka Afgooye, gobolka Shabeelaha Hoose, iyo Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca iyo bartilmaameedka – fahfaahinada qaar waxay xusayaan in uu ahaa ismiidaamin lala beegsaday howlwadeenada ay Turkida ku jiranee ee dhisaya wadada laamiga ah ee xiriirisa labada magaalo.

"Balse waxaan wali kala caddeyn nooca is-qarxinta – ma mootaa loo adeegsaday, baabuur qaraxyo lagu soo rakibay mise naftii-halige? – waa arrinta ay baareyaashu ku mashquulsan yihiin," ayay sheegeen illo wareedyo dhowr ah.

Warbixinadda laga helayo goobjoogeyaal iyo saraakiil dhanka amniga ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in khasaaro uu qaraxu sababay.

"Hasa ahaatee, wali ma jirto cid caddeyn tirada saxda ah. Kaliya waxaa la og-yahay in uu qarax dhacay waxyeelanaya jirto," ayay ku dareen goobjoogeyaasha.

Mashruuca dhismaha wadadan oo ay maalgelineyso Dowladda Qadar waxaa fulineysa shirkad laga leeyahay Turkiga taasoo qandaraaska ku guuleysatay.

Dowladda Turkiga oo si kulul u cambaareysay qaraxa ayaa xaqiijisay in muwaadin dalkaas u dhashay oo kamid ah Injineerada dhismaha wadada uu dhaawac kasoo gaarey falkaas.

"Waxaan u tacisyeyneynaa inta ku dhimatay, annaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeyneynay inta dhaawaca ah," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Dhowr jeer oo horey loo weeraray shaqaalaha ku howlan dhismaha wadada waxaa mas'uuliyadda dhacdooyinkaas dusha u ridatay maleyshiyadda Al-Shabaab – oo xukuumadda Ankara ku eedeysay "in ay qaadaneysa hantida Soomaalida".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM