Qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir

Image
Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa aad loo maqlay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay wadada marta dhabarka dambe ee xarumaha waaweyn ee ka soo horjeeda degmada Xamarweyne.

Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa inuu jirto waxyeelo badan. Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.

Booliska Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saarey waxa uu ku sheegay in saddex qof ay ku nafwaayeen qaraxa ka dhacay agagaarka xarunta gobolka Banaadir ee Muqdisho.

"Degmada Xamar weyne, Maanta 16 Jan 2024, abaaro 11:40Am, yaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee  makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa," ayuu yiri. 

Qoraalka ayaa intaas la raaciyay: "Ciidanka Boliiska oo goobta ka dhawaa ayaa eryanayay Hafti-haliga, wuxuuna qarxay isaga oo ciidanka ka cararaya. Hada, Ciidamada amaanka ayaa goobta ku sugan waxaan socota baarista, si aan wax faahfaahsan dadka ula wadaagno". 

Falkan waa qaraxii koowaad ee ka dhaca caasimada Soomaaliya sanadkan cusub 2024 wallow bilooyinkii u dambeeyay ay ahayd mid xasiloon taasoo ka dhalatay howlgalo culus oo joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM