Qarax iyo iska hor-imaad ka dhacay duleedka Muqdisho; khasaaro jira

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari iyo iska hor-imaad laga soo wariyey nawaaxiga isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu ka dhasho khasaaro culus.

Dabley iyo ciidamada ammaanka ee goobtaasi ku sugan ayaa rasaas is-weedaarsaday kahor qaraxa, sida ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

Macluumaadyo hore oo soo baxay ayaa waxay soo jeedinayaa in kooxaha hubeysan oo tiradooda lagu tilmaamay illaa iyo saddex ay saarnaayeen gaariga gedaal ka qarxay.

Hay'addaha Nabad-gelyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali war kasoo saarin dhacdadan, taasi oo meesha laga soo wariyey ay tahay mid mashquul badan.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ahaa mid is-miidaamin kaasi oo dilay laba shacab ah, isla markaana dhaawacay lix kale oo ay kamid yihiin askar.

Dhinaca kale, ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, walow dhacdooyinka noocaan ah ee caasimada laga soo wariyo looga bartay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Duulankan ayaa noqonaya wuxuu midkii ugu horeeyay ee bishan September ka dhaca magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo xarunta dalka laga xoreeyay 2011-kii ayaa tan iyo waqtigaasi waxay ka geysataa weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM