Qarax ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Ugu horeyn, qarax Miino oo lala beegsaday shacab ku sugnaa Goob ay kusoo bandhigayeen ciyaar Dhaqameed oo ku taala xaafada Degaan-dega ee caasimad goboleedka Bay, waxaana ku dhimatay 2 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 13.

“Qaraxa waxaa uu ahaa Miino bartamaha meesha wax lagu soo bandhigayay lagu aasay. Dadka meesha joogay oo soo bandhigayay ciyaar dhaqameed waxay isugu jireen Rag iyo Dumar,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Dhanka Kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay ciidamo ka tirsan dowladda kula beegsatay xaafada Hareri-kadiyow ee isla Baydhabo inay ku dishay afar kamid ah milatariga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga oo labadaan qarax ka hadlay waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeri ah ay bixiyaan khasaraha, balse, waxay carabka ku dhufteen inay ku gudajiraan baaritaan la xiriira dhacdooyinkan.

Qaraxyaddani ayaa kusoo aadaya iyadoo Koonfur Galbeed ay yeelatay dhawaan Madaxwayne cusub, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Lafta Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM