Qarax ka dhacay Dhuusamareeb xili loo diyaar-garoobayo doorasho

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Qarax ka dhashay Miino ayaa lagu waramayaa in Axada maanta ah uu ka dhacay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Taliska Booliska ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee maqaayad ku taala kasoo horjeeda xafiiska Madaxa Xukuumadda.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in dhabarka dambe ee maqaayadda uu ku yaalo xero ciidan, halkaasna uu ka dhacay qaraxa.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in uusan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay falkaan, marka laga reebo in uu burbur u geystay maqaayadda oo caan ka ah magaaladda.

Wararka qaarkood oo ay baahineyso saxaafadda maxaliga ah ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Maqaayadda waxaa macaamiisha kamid ah ciidamadda dowladda ee halkaas ku sugan gaar ahaan kuwa ilaalada ka haya xarunta INJI oo fariisin u ah Sheekh Shaakir.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse waxaa dhacdooyinkan noocaan ah waxaa looga bartay ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili Dhuusamareeb ay isku diyaarineyso martigelinta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedkaas.

Doorashadda madaxtooyadda iyo baarlamaanka ayaa loo muddeeyay in ay dhacaan bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020-ka, waxaana socda olole xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM