Qarax ka dhacay Dhuusamareeb xili loo diyaar-garoobayo doorasho

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Qarax ka dhashay Miino ayaa lagu waramayaa in Axada maanta ah uu ka dhacay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Taliska Booliska ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee maqaayad ku taala kasoo horjeeda xafiiska Madaxa Xukuumadda.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in dhabarka dambe ee maqaayadda uu ku yaalo xero ciidan, halkaasna uu ka dhacay qaraxa.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in uusan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay falkaan, marka laga reebo in uu burbur u geystay maqaayadda oo caan ka ah magaaladda.

Wararka qaarkood oo ay baahineyso saxaafadda maxaliga ah ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Maqaayadda waxaa macaamiisha kamid ah ciidamadda dowladda ee halkaas ku sugan gaar ahaan kuwa ilaalada ka haya xarunta INJI oo fariisin u ah Sheekh Shaakir.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse waxaa dhacdooyinkan noocaan ah waxaa looga bartay ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili Dhuusamareeb ay isku diyaarineyso martigelinta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedkaas.

Doorashadda madaxtooyadda iyo baarlamaanka ayaa loo muddeeyay in ay dhacaan bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020-ka, waxaana socda olole xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM