Qarax ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Jowhar, oo ah Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uusan la socon baabuurka xilliga qaraxa, iyadoo khasaarena ilaa hadda la sheegin inta uu la egyahay.

Jowhar oo ah xarunta maamulka HirShabeelle ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada iyo dilalka, iyadoo amniga uu faraha kasii baxayo, waxaana khatar ku jira badqabka mas'uuliyiinta maamulka iyo Xildhibaanada.

Al-Sahbaab ayaa kordhisay weerarada goobaha doorashadda ka dhacayso, waxaana Jowhar noqotay magaaladda ugu dhacdooyinka badan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM