Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG maamulka Jubaland xili uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku maqan yahay Shirka Garoowe.

Qaraxan oo ka dhacay Xaafadda Farjanno ayaa lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland oo lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Mooge, kaasoo gaarigiisa qaraxa loogu xiray.

Ciidamada amaanka ayaa wax yar kadib goobta tagey, waxayna kasoo qaadeen meydka Xildhibaanka ku dhintay qaraxa, kaasoo mas'uuliyadiisu sheegatay Al-Shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa cambaareeyay dilka Xildhibaan Mooge, isagoo tacsi u diray qoyska iyo qaraabadda Marxuumka.

Maxamuud Sayid ayaa ugu baaqey shacabka Jubaland inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisadda, oo uu sheegay inay khatar ku yihiin nabada iyo xasiloonida dalka.

Waa qaraxii kowaad oo sanadkan cusub ee 2021 ka dhacaya Soomaaliya xili dalka uu ku jira jahwareer siyaasadeed iyo is-mariwaa ka taagan doorashadda.

Todobaad kahor, qarax noocan ah ayaa ka dhacay magaaladda, kaasoo loogu xiray wariye u shaqeeya Universal TV, oo ka badbaadey isku-dayga la doonayay in lagu dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM