Qarax ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in caawa oo Sabti ah uu ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Nooca qaraxa iyo bartilmaameedka waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee xarunta gobolka Mudug.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa laguna weeraray huteel ay ku sugnayaeen saraakiil ciidan.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkan noocaan ah looga bartay xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in rasaas culus ay maqleen qaraxa kadib.

Goobjoogeyaal u waramay bogga GO ayaa sheegay in ciidamadda ammaanka ay durba tageen meesha ay wax ka dhaceen

Gaalkacyo waa magaalo dhinaca waqooyi uu ka jiro maamul hoostaga Puntland, halka dhanka koonfur uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM