Qarax ka dhacay meel ku dhaw Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Nasa Hablood oo ku yaalla  nawaaxiga Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdishu.

Dad goob jog u ahaa weerarka ayaa Warsidaha GO u sheegay in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday inta u dhaxaysa Maqaaxida Banooda iyo Hotel Naasa Halbood Two, wax yar kadib Salaadda Jimcaha.

Goobta qaraxa oo ay ku yaallaan Hoteelo dhowr ah, oo ay degan yihiin Madax katirsan dowladda, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa durbaba xiray ciidamo.

Lama oga illaa hadda Khasaaraha qaraxa. Ma jirto cid sheegtay Mas'uuliyadda weerarka.

Waa qaraxii labaad oo Muqdishu ka dhaco maanta, kii hore waxa uu ka dhacay Xaafadda Sey Biyaano, waxaana uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo la dhigay Guri dhexdiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM