Qarax ka dhacay Muqdisho iyo dowladda oo ka hadashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa caawa ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Sida Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dad Goob-joogiyaal ahaa, qaraxa ayaa ka dhashay miino ay ku ciyaarayeen caruur darbi-jiif ah oo ku sugnaa Aargada wadada Lambar Afar dhinaceeda.

Labo kamid ah caruurta ayaa ku dhimtay qaraxa, iyadoo 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaal goobta ka dhaw, si wax looga qabto dhaawacyada soo gaarey, oo mid kamid ah uu culus yahay.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxa, oo wararku ay sheegayaan in caruurta darbi-jiifka ah ay kasoo bixiyeen goob qashinka lagu daadiyo.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadka KM4 ayaa mudo daqiiqado ah hakad la geliyay, intii uu socday baaritaanka iyo u gurmashada caruurta dhaawaca soo gaaray oo gaadiidka ambalaaska qaaday.

Warar ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo inta hadda la xaqiijiyay.

Tani ayaa qeyb ka ah halista ay wajahayaan caruurta koollada ku dhuuqa wadooyinka Muqdisho kuwaasi oo qaar da'doodu ka yartahay 15 sano, iyagoo aan kala garaneynin waxyaabaha khatarta ah, sida qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM