Qarax ka dhacay Muqdisho iyo dowladda oo ka hadashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa caawa ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Sida Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dad Goob-joogiyaal ahaa, qaraxa ayaa ka dhashay miino ay ku ciyaarayeen caruur darbi-jiif ah oo ku sugnaa Aargada wadada Lambar Afar dhinaceeda.

Labo kamid ah caruurta ayaa ku dhimtay qaraxa, iyadoo 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaal goobta ka dhaw, si wax looga qabto dhaawacyada soo gaarey, oo mid kamid ah uu culus yahay.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxa, oo wararku ay sheegayaan in caruurta darbi-jiifka ah ay kasoo bixiyeen goob qashinka lagu daadiyo.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadka KM4 ayaa mudo daqiiqado ah hakad la geliyay, intii uu socday baaritaanka iyo u gurmashada caruurta dhaawaca soo gaaray oo gaadiidka ambalaaska qaaday.

Warar ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo inta hadda la xaqiijiyay.

Tani ayaa qeyb ka ah halista ay wajahayaan caruurta koollada ku dhuuqa wadooyinka Muqdisho kuwaasi oo qaar da'doodu ka yartahay 15 sano, iyagoo aan kala garaneynin waxyaabaha khatarta ah, sida qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM