Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wariye caan ah oo ku dhaawacmay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo uu ku dhaawacmay wariye lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo caan ka ah gudaha Muqdisho, sidoo kalena Agaasime kasoo noqday Idaacadda Staf FM, qeybteeda Muqdisho ayaa soo gaarey dhaawac culus, kadib markii bam loogu xiray Kursiga laga kaxeeyo Gaariga uu ku qarxay.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu ku socdaalayay Gudaha degmada Waaberi, gaar ahaan Xaafadda Maatjo, waxaana dhaawaca wariyaha loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho, oo hadda lagu daweynayo, sida ay xaqiijiyeen rag ay saaxibo yihiin.

Lama oga sababta loo beegsaday suxufiga, balse falalka noocan ah, ee bambooyinka gawaariradda la isagu xiro ayaa ah mid sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Muqdisho, oo lagu dilay shaqsiyaad badan, oo qaarkood mas'uuliyiin ahaayeen.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo goobta gaarey daqiiqado kadib, islamarkaana howlgal sameeyay, aanan wali ka hadlin qaraxa maanta.

Qarax kan lamid ah oo gaari lagu xiray ayaa lagu dilay dhawaan mas'uul katirsanaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM