Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wariye caan ah oo ku dhaawacmay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo uu ku dhaawacmay wariye lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo caan ka ah gudaha Muqdisho, sidoo kalena Agaasime kasoo noqday Idaacadda Staf FM, qeybteeda Muqdisho ayaa soo gaarey dhaawac culus, kadib markii bam loogu xiray Kursiga laga kaxeeyo Gaariga uu ku qarxay.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu ku socdaalayay Gudaha degmada Waaberi, gaar ahaan Xaafadda Maatjo, waxaana dhaawaca wariyaha loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho, oo hadda lagu daweynayo, sida ay xaqiijiyeen rag ay saaxibo yihiin.

Lama oga sababta loo beegsaday suxufiga, balse falalka noocan ah, ee bambooyinka gawaariradda la isagu xiro ayaa ah mid sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Muqdisho, oo lagu dilay shaqsiyaad badan, oo qaarkood mas'uuliyiin ahaayeen.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo goobta gaarey daqiiqado kadib, islamarkaana howlgal sameeyay, aanan wali ka hadlin qaraxa maanta.

Qarax kan lamid ah oo gaari lagu xiray ayaa lagu dilay dhawaan mas'uul katirsanaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM