Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu diley shaqaale ka tirsan Hormuud

Image
Image
Image

Muqdisho, 23 Dec, 2023 - Qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey  Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada huriwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen labo hawl-wadeeno oo kale. 

Qaraxaan ayaa dhacay 10 maalmood kadib qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo degaanka Tredishe lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda. 

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile, BTSyadii shirkadda xaafadaha Igadaba-gey & Safaari ee deegaanka Garas-Baaley iyo Bts-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha. 

Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan. Dowlada Somalia wali kama aysan hadlin qaraxyadaan mana jirto cid loo soo xirey ilaa iyo hadda falalkaan gurracan.

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM