Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu diley shaqaale ka tirsan Hormuud

Image
Image
Image

Muqdisho, 23 Dec, 2023 - Qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey  Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada huriwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen labo hawl-wadeeno oo kale. 

Qaraxaan ayaa dhacay 10 maalmood kadib qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo degaanka Tredishe lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda. 

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile, BTSyadii shirkadda xaafadaha Igadaba-gey & Safaari ee deegaanka Garas-Baaley iyo Bts-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha. 

Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan. Dowlada Somalia wali kama aysan hadlin qaraxyadaan mana jirto cid loo soo xirey ilaa iyo hadda falalkaan gurracan.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM