Qarax ka dhacay nawaaxiga Zoobe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo lala eegtay sarkaal katrsana dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in qaraxu uu ahaa mid loogu xiray gaari sarkaalka oo lagu soo koobay magaciisa Ceydiid, xilli uu ka dagay gaariga islamarkaana galay goob gacasi oo ku taalla Isgoyska Banaadir.

Saddex ruux oo shacab ah islamarkaana goobta marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo aan la ogeyn mas'uulka la beegsaday sida ay wax usoo gaareen, maadaama uu meesha ka agdhawaa.

Meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa daqiiqado kadib xiray ciidamada dowladda Federaalka, oo rasaas kor u ridayay, iyadoo goobta faaruq noqtay mudo yar kadib, maadaama dadkii ay kawada carareen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo kan maamulka degmada Hodon, oo ku aadan qaraxa gaari kaasi oo kusoo beegmaya, maalmo kadib markii la weeraray Hotel Naasa Hablood 2.

Waxa Isgoyska Banaadir uu ku dhaw yahay Isgoyska Zoobe, oo la ka dhacay 14-kii October qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya, kaasi oo ay ku dhimatay in ka badan 377 qof oo shacab u badnaa.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerareeda xilli uu ku wajahan yahay duulaan iyo guluf colaadeed oo ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa ciidamada AMISOM iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM