Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Image

BUULABURDE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan, qaraxan xoogan ayaa ka dhacay suuqa kawaanka ee degmada, waxuuna geystay Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 5 ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen ciidamada amaanka, halka qaraxa uu geystay burbur xoogan kaas oo soo gaaray dhismayaasha ku yaala aagaas.

Wararka naga soo gaaraya dadka deeganaka ayaa tibaaxaya in jugta qaraxa laga malqay inta badan ee xaafadaha degmada, waxaana isla markii goobta tagay ciidaamo ka tirasan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka si ay howlagallo uga fuliyaan degmada.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale gurmad u fidiyay dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxan, iyada oo aan ilaha dowladda ilaa haatan shaacin tirada saxda ah ee dadka ku dhaawacmay amase ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM