​Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Qarax culus, oo khasaaro geestay ayaa xalay ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha maamulka Jowhar, ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray xarun ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin Xaafada Hanti-wadaag.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux, oo shacab ah oo ku sugnaa guri ku dhaw Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ku dhawacmay, waxaana la dhigay Isbitaalka degmada Jowhar.

Qaraxa kadib, ciidamada dowladda Somalia ayaa sameeyay howlgallo ballaaran oo ay ku fuliyeen xaafadda Hanti-wadaag, iyo qeybaha kale ee degmada, balse ma jirto cid ay usoo qabteen weerarka.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka Hir-Shabelle, laakiin weerarada Noocaan ah waxaa looga bartay Kooxda Al shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha Hir-Shabelle oo dib ugu laabtay shalay magaalada ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM