Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen qarax miino oo Talaadada maanta ah ka dhacay isgoyska Tarbuunka, degmada Hodan ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in bartilmaameedka weerarka uu ahaa gaariga nooca aan xabada karin ah oo goobta marayey isla waqtigaas.

Bukaanada oo saarnaa mooto Bajaaj goobta mareysay xilligaas ayaa waxaa loola carary xarumaha caafimaadka si loo badbaadiyo. Ma cadda inta uu la eg-yahay dhaawaca soo gaarey.

Lama ogga cidda iska leh gaariga la beegsaday. Hase ahaatee, gaadiidka noocaan ah waxaa badanaa magaala madaxda ku adeegsada mas'uuliyiinta, saraakiisha ciidanka iyo siyaasiyiinta.

"Qaraxa wuxuu ahaa Miino la dhigay afaafka Isbitaalkii hore ee Deva," ayuu yiri goobjooge u waramay GO, oo xusay in aan la aqoonsan karin rakaabka Bullet Proof-ka maadaama miyaaradhiisu madow ahaa.

Xoogaga Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacda ayaa inta badan sheegta falalka noocaan ah ee ka dhaca caasimada, oo maalmihii lasoo dhaafay si gaara bishan August ay si taxano ah uga dhacayeen.

Afar qarax oo laba kamid ah lagu beegsaday Elite Hotel iyo saldhig ciidan ayaa tan iyo markii ay dhalatay bishaan ka dhacay caasimadda, kuwaas oo galaafta nolosha dad isugu jira askar iyo dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM