Qarax khasaaro sababay oo markale ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Mas'uul katirsanaa dowladda hoose ee Xamar ayaa goordhow lagu Khaarajiyay qarax loogu xiray gaarigiisa, sida ay Saraakiisha Booliska u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Mas'uulkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Afleershe, ayaa ku dhintay Bam loogu xiray Gaarigiisa gaarka ah, kaasi oo ku qarxay xilli uu marayay nawaaxiga xaruntii hore ee UNICEF ee degmada Waaberi.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa kadib, ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida Somalia ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaan ah, oo ay ku sameeyeen Gaariga iyo Meydka.

Wararka qaar ayaa sheegayo in ninka lagu dilay qarax gaari uu ahaa Ganacsade.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkaaas oo noqonayo midkii labaad mudo Labo maalmood gudahooda ka dhacay magaalada Muqdishu, ee xarunta dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhawaan shaaciyay inay la dagaalami doonaan dowladda cusub, si ay u fashiliyaan qorshaha Madaxweyne Farmaajo oo ah in dalka uu mudo labo sano ah kusoo celinayo amnigiisa.

Garai nooca raaxada ah ayaa shalay ku qarxay Isgoyska Ex-control Afgooye, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 4 ruux, oo kamid ah ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad sugida Soomaaliya ee (NISA).

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM