Qarax khasaaro u geystay dad shacab ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay markii qarax uu maanta ka dhacay isgoyska Tawqiif, degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska degmada ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aaso ah.

"Qaraxa oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa haleelay gaari rayid ay la socdeen … dhaawaca dad shacab ayuu geystay, wali dhimasho nama soo gaarin," ayuu raaciyay bileyska.

Goobjoogayaal ayaa tilmaamaya in shacabka waxyeeloobay ay laba kamid yihiin dumar ay ku jirto haweenay da' ah [waayeel ah].

"Aniga ma arkin dhimasho … dhaawac ayay ahaayeen … waxayna kala laba dumar ah iyo saddex rag ah," ayuu yiri, Goobjooge Maxamednuur Xasan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan wallow Booliska ku eedeeyay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Isgoyska Tawqiif ee magaala madaxda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa qaraxyo Miino lagula eegtaa gaadiidka ay la socdaan ciidamada dowladda.

Habeenkii Jimcada ee todobaadkii hore ayay ahayd markii dabley hubeysan ay weerar Bambaano ku qaaday fariisin ay degmadaasi ku leeyihiin xoogaga qaranka, inkasta khasaaraha ka dhashay aanan wali la hubin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM