Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin ku saabsan khasaaraha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax labaad oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Wararka warsidaha Garowe Online uu ka helay Booliska ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon, oo aan sidaasi uga fogeyn meesha uu qaraxii koowaad ka dhacay.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana dhacaysa rasaas culus, oo ay ridayaan ciidamada amniga, waxaana goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen tagey gaadiidka gurmdka deg dega, oo dhaawacyada kasoo qaadey.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 3 qof, iyadoo dhaawaca uu gaaraya in ka badan 15 ruux, oo la sheegay inay saraakiil katirsan dowladda iyo maamul gobolka Banaadir ay ku jiraan.

Labada qarax ayaa dhacay baro koontarool oo laga ilaaliyo Villa Somalia, iyadoo weeraradan ay kusoo beegmayaan xilli madaxa sare ee dowladda ku mashquulsan yihiin khilaafaad u dhaxeeya iyo arrimo siyaasadeed xilli amniga uu dayacan yahay.

Warar ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan yahay 3 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM