Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin ku saabsan khasaaraha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax labaad oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Wararka warsidaha Garowe Online uu ka helay Booliska ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon, oo aan sidaasi uga fogeyn meesha uu qaraxii koowaad ka dhacay.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana dhacaysa rasaas culus, oo ay ridayaan ciidamada amniga, waxaana goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen tagey gaadiidka gurmdka deg dega, oo dhaawacyada kasoo qaadey.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 3 qof, iyadoo dhaawaca uu gaaraya in ka badan 15 ruux, oo la sheegay inay saraakiil katirsan dowladda iyo maamul gobolka Banaadir ay ku jiraan.

Labada qarax ayaa dhacay baro koontarool oo laga ilaaliyo Villa Somalia, iyadoo weeraradan ay kusoo beegmayaan xilli madaxa sare ee dowladda ku mashquulsan yihiin khilaafaad u dhaxeeya iyo arrimo siyaasadeed xilli amniga uu dayacan yahay.

Warar ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada uu ka badan yahay 3 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM